365 maalmood oo maalinba astaan gaar ahi xanbaarsan tahay oo murugo, farxad, niyadjab, rejo iyo casharro kale oo wax ku qaadasho mudanba ku idil yihiin, sinna loo ma soo koobi karo. Balse milicsi yar oo xusuusqorkaygii ah, kuna xusnaan doonaan dhacdooyinkii, bilihii ama maalmihii ugu doorka roonaa sannadkii tegay (2023) ee aanu sagootinnay ayaan idiin dulxaadinayaa!
2023 wuxuu ii ahaa sannad aad ugu suntanaan doono noloshayda. Sannad i dhaxalsiiyay dareenno kaladuwan oo aad u tiro badan. Sannad waaya’aragnimadayda nololeed qayb weyn oo baaxad leh ka qaatay. Sannad wax badan ka beddelay qaybo badan oo habfekerkaygii nolosha ah. Sannad hal’abuur iyo hirgelin. Sannad dad badan ii sameeyay, dadna kasaaray noloshayda. Sidoo kale wuxuu ahaa sannad aan u dareensanahay in uu yahay qaabeeyaha tobankayga sanno ee soo socota, haddii Eebbe igu simo!
2023, wuxuu ii ahaa sannad bilowgiisii iigu dhashay farxad iyo jacayl isdulsaaran. Habeenki curashadiisii waxaan ku sugnaa magaalada London ee dalka England/UK! Wuxuu ahaa qorshe ii hirgelay in uu halkaa iigu dhasho, marka laga soo tago in qorshahayga ahaa in sannad walba uu iigu dhasho waddan cusub, haddana nasiibkayga wuxuu ku dhacay in aan la joogo qaar ka mid ah dadka noloshayda ugu muhiimsan, ugu jecelahay, dartoodna aan u noolahay! Hooyaday macaan hooyadeed (Hooyo Xaliimo), abtiga keliya ee aan heysto ee ah wiilka keliya ee hooyaday la dhashay (Khaliil Sheekh Shariif Sheekh Muxudiin Celi), habaryartay (Deeqo Xasan Saney), inaabtiyaashay iyo weliba boqoradda aan ugu yeero naftayda nafteeda, Shamsa-Dheeman!
Hooyaday hooyadeed oo runtii ah ruux aan jecelahay oo ehlu diin ah. Anigana ii ah ruux sida hooyaday ama ka sii badanba ii jecel, ii tirsata, iina amaanta. Sidoo kale mar walba ducadeeda iyo dardaarankeedaba aan ku meel maro. Imaatinkaygan London-na qayb weyn ayay ka ahayd, Quraansaar iyo duco ayeeyana waan kala tagay. Sidoo kale lakulanka abtigay, habaryartay iyo ilmaabtiyaashayba wax weyn ayay ii ahayd!
Sidoo kale Shamsa-Dheeman oo ah mid ka mid ah kuwa aan ugu jecelahay dadka aan dhiig iyo dhalasho-wadaagta nahay, aragtideena aan ku taamayay ayuu sannadka iigu ag curtay, waxayna ahayd riyo ii rumowday. Shamsa-Dheeman waxaa iigu danbaysay 2019kii, lajooggeeduna wuxuu iiga dhignaa duni dhammaystiran, iyo in uu sannadka iigu bilowday reynreyn, farxad, iyo wehel dhammaystiran!
Halkaa ayuu ka bilowday qulqulkii maalmaha iyo harjadkii nolosha ee kuwajahnaa sannadka (2023). Sida ku astaysan sunnaha nolosha maalin walbaa caynadeeda leh, sidaa ayay maalmaha sannadkuna u ahaayeen kuwa leh muunaddooda iyo saamayntooda gaarka ah!
Waxay maalmuhu socdaan, biluhuna qori isu dhiib u sameeyaanba, qorshe muddo soo socday ayaa hirgalay bishii saddexaad ee sannadka. Qorshahaa oo ahaa in aan u saldhigay, soo bannaan dhigay, isla markaana aan baalal u sameeyay xarunta Libin (Libin Women Empowerment Center) oo shaacinteedii aan ku soo beegnay siddeeddii Maarso (8th March) oo ahayd maalinta haweenka adduunka! Halgan iyo hawlihii Libin oo bannaan yimi ayaana sidaa ku tibaaxnay!
Hawlo iskugu jira shaqooyinkii iyo Barnaamijyadii Libin, kuwaygii gaarka ahaa iyo waxbarashadaydii oo culayskeeda iyo mashquulkeeda xanbaarsan ayaan la harjad iyo halgan galay. Maalinba maalinta ay ii dhiibtaba waxaan u dheeraynayay misna dhararayay ka dhabaynta dhammaan qorshayaashayda. Safarro iyo yoolal suntanaa baan u xusul duubayay, waxaanan sugi kari la’aa inta uu sannad dugsiyeedka dhammaanayo isla markaana la galayo fasaxa xagaaga. Sidoo kale waxaa wakhtigaa ku soo beegmayay dabbaaldegga iyo farxadda qalinjebinta Farax Sakhaawe oo aan aad u rabay in aan goobjoog u ahaado, la na dabbaaldego kahor inta aanan u bixin safarradii ii qorshaysnaa, Allana wuu igu simay oo guushii Farax iyo koofi-tuurkeediiba si habsami leh ayuu innoogu qabsoomay!
Isla bishii June 15keeda waxaa ku beegnayd dhalashadii Nagaad-yar (curadda Zahra Qorane), sidaas darteed baanan ugu soo safray Turkiga. Nagaad oo aan dhalashadeedii u soo safray in aan goobjoog u ahaado, welibana aan nasiib u helay in aan noqdo qoftii gardaadisay ama bannaan bixisay, in aan markale u soo socdaalo dabbaaldegga sannadkeedii ugu horreeyay farxad iyo wax weyn bay runtii iiga dhignayd! Waan mashxaradnay, isu hanbalyaynay, isla faraxnay, isla jaasna, macmacaan isa siinnay, isla markaana Nagaad-yar si wadajir ah ugu ducaynay ehel iyo asxaab intii aan halkaa ku joognay. Xaflad qurux badan, dadkuna wada qurux badnaayeen baana halkaa noogu hirgashay!
Mashxaradda intaa kuma ekayn e, dabbaaldeggii Istanbul in uu ilaa Antalya gaaro ayaan isla qaadannay! Intaa waxaa dheerayd in aan go’aansannay safarka Istanbul ilaa Antalya ah in uu noqdo mid dhulka ah, isla markaana aan gaari kiraysanno sidaanna ku baxno annaga oo ka kooban siddeed qof! Safar runtii cajiib ah aadna u xiiso badan ayuu ahaa. Ku dhawaad toban iyo dhowr saacadood ayaan dhex sii ahayn, intaanan maynaan socon e, dhowr magaalo ayaan ku hakannay. Si walba oo uu safarka u dheeraa sheekadeenna, qosolkeenna, kaftankeenna iyo weliba heesaha nooshid ayaa macne iyo dhadhan gaar ah u yeelayay, isla markaana daalka iyo jactadka na illowsiinayay! Waxaan soconnaba waan gaarnay Antalya, halkaa oo aan guri aan sinna looga sheekeyn karayn baaxaddiisa iyo bilicdiisaba ka kiraysannay! Hurdo aan daalkii isku illowsiinnay kaddibna waxaa si habsami leh noogu bilowday magaalo dhex-mushaaxeennii iyo maalmihii dalxiiska.
Magaalo qurux badan oo dalxiis aadna aan uga soo helay ayay ahayd Antalya. Marba dhan ayaan u raacnay magaalada, oo soo booqannay goobo tiro badan oo ay iskugu yimaadeen boqollaal dalxiisayaal. Waxaan ku soo qaadannay maalmo ashqaraar ah oo xusuuso iyo xiisaba leh!
Maalmihii Quruxda badnaa ee magaalada Antalya waxay soo gabagabeeyeen safarkaygii Turkiga, oo waxaan u kicitimay dhankaa iyo dhulkii aan dunida ugu jeclaa. Waa magaaladii aan ku dhashay qofkaan maanta ahayna ku dhex noqday, ee Xamar ahayd!
Sidii caadada ahayd waxaan tegay Xamar oo ehelkaygii iyo saaxiibbadayda uu imaatinkayga la ballaaran yahay kuna bishaaraysanayaan, isla markaana u diyaarsan yihiin in ay ii maamuusaan sida ay goor walbaba ii maamuusi jirin ee jacaylka iyo weynaynta ku dheehnayd.
Maalmo, habeenno iyo weliba saacado qurux iyo maqaam sare xanbaarsan ayaan dhex tibaaxay, oo Xamar baan marba dhan ku dhex tamashleeyay! Marka laga soo tago dalxiis iyo fasax ku qaadashadayda, qorshayaal iyo hirgelinno shaqo ayaa ii barbar socday. Hawlihii Libin ayaa tallaaboyinkayga ugu horreeyay e, waxaan fulinnay barnaamij jadwalka innoogu qornaa, oo aan ku qabannay Jaamacadda Simad. Wuxuu ahaa tababbar fagaare kahadalka iyo sheekotebinta! Aniga iyo saaxiibkay Abwaan Cabdiraxmaan Fiili ayaana si wadajir ah u samaynaynay. Si qurux iyo habsami leh lana mahadiyay ayuuna runtii noogu qabsoomay.
'
Waxaan Xamar dhex mushaaxaba aniga iyo saaxiibbadayda waxaan qorshaysannay in aan magaalada ka baxno isla markaana aan baqoolno Warsheekh. Sidii aan caadaystay labadii sanno ee u danbaysay safarkayga Xamar ka ma soo dhammaanayn ilaa aan Warsheekh tago, sababta oo ah magaaladaa sidaan u soo bartayba waxaan u qaaday jacayl iyo xiise aan iga gurayn. Degaan qalbi degsi iyo dalxiis kuwacan iyo dad soo dhawayn iyo jacayl badanba waan ku soo arkay, kuna soo bartay. Laba habeen iyo laba maalmood oo ashqaraar iyo dhadhan gaar ah lahaa baan ku soo qaatay, aniga oo isleh yaa ku daayo aad sii joogtidna ayaan ku soo noqonnay Xamar!
Sidoo kale wakhtiyada xusan ee mudnaanta gaarka ah leh iyo riyooyinka aan rumoobistooda goobjoogga u ahaa ee safarkaygan Xamar ku beegmay waxaa ka mid ah in aan goobjoog u ahaa hirgalkii riyadii walaashay Iimaan Cabdikariin oo ka dhabaysay furitaanka xafiis sharciyeed, kaa oo noqday mid nooc iyo macne gaar ah leh, isla markaana ku astoobay qaadashada magacbixinta ah “xafiis sharci oo gabar hoggaamiso kii ugu horreeyay oo Xamar ka hirgalo”.
Dad qiimo badan oo iskugu jira ehel iyo asxaab oo madax iyo shacabba leh uu na ugu horreeyo wasiirka caddaaladda iyo dastuurka Mudane Xasan Sheekh Cali iyo masuuliyiin kalaba, ayaa na la daahfuray. Si heer sare ah, sumcad iyo bulsho kasbashaba leh ayaan u xarig jarnay.
Intaa kaddib, maalinba maalinta ay ku siqdaa waxaan ku dhawaanayay gabagabadii safarkayga iyo goortii aan Xamar ka noqon lahaa. Marna ma jeclaysto in aan Xamar ka soo tago oo aniga oo qalbiga iyo indhahaba ka ilmaynayo ayaan soo macsalaameeyaa. Sannadkanse waxaaan ku soo gooddiyay in soo-noqodkayga danbe noqon doono guryanoqosho toos ah!
Dalkaygii labaad ee Sweden baan ku soo noqday. Waxa i sugayo oo ah shaqo, waxbarasho iyo qabow marka laga soo tago gurigayga iyo xasillooni badan baan ku dareemaa Sweden. Intaana waxaa ii dheer hooyaday iyo walaalahayba in ay ku noolyihiin oo aan wehelkooda ku heysto.
Sannadkii u danbeeyay ee waxbarashada in aan wajahayo waxaa ii dheerayd in aan ku taamayay qaadashada tababbaro dheeri ah oo ku taxaluqa waxa aan baranayo, iyo hibadayda aan rabo in aan ku shaqeeyo mustaqbalka dhow, taa oo ah siyaasadda iyo hoggaaminta. Waxaan dalbaday dhowr koorso oo kala duwan, kuwaa oo qaarkood aan xoog u rabay, misna islahaa tolow ma heli doontaa. Nasiib wanaag mid ka mid ah ayaan ku guulaystay, kaa oo weliba ahaa tababbar shahaado tayo leh wata. Farxad iyo nasiib badnaan baan runtii ku dareemay in aan ka mid noqday arday dhowr ah oo ay qaateen. Tababbarkaa wuxuu ahaa mid aan ku qaadanayna caasimadda (Stockholm) hal isbuucba soconayay. Dad iyo casharro muhiim ahba waan ku soo bartay. Wuxuuna noqday tababbar November iyo gabagabada sannadkaba u noqday dayax, sidoo kalana tayeeyay xirfaddayda hoggaamineed.
Haddaba, si walba oo aan u koob iraa, waan hubaa oo taariikhantu ma koobmayso, dareennada iyo dhacdooyinkuna ma wada qormi karaan oo kuwa aan qalinna qaban qoraalna qeexin baa nolosheenna soo mara, si gaar ahna sannadkan ii soo maray, balse cashar iyo tababbar nololeed baan kala haray. Si kasta oo ay ahaataa se, intaa oo dhacdo iyo dareemahaa aan qalinka ku dhararshayba waa kuwii ugu doorka roonaa, ku xusnaa sannadkaygii soo idlaaday. Waxaanan rejaynayaa sannadkan cusub ee 2024 in aniga iyo idinkuba uu innoo noqon doono sannad baraare iyo guul ku astooba, isla markaana dhammaan hamigeenna noo hirgalo!
Ugu danbayn waxaan idin leeyahay gu’san! Ballanteennu waa dadaal iyo door nololeed!
Happy new year!
Social Plugin