Ticker

6/recent/ticker-posts

Dabiib




Dadkuu Rabbi uumay ee
Dunida guudkeeda suran
Kuwii lay dooray ee
Nolosha dacalkayga yimi
Waxaa door ii xigoo
Xaggooda u soo durkaa
Kuwuu wakhti doorriyee
Dabaylaha quusta sida
Cidlada kula doobbiyeen! 

Duruufaha ruux ildaran
Si baan ugu diirnaxaa
Si baan u dawee iraa
Si baan dugsi lagu hirtiyo
Jacayl nafta doojiyiyo
Dabiib ula raadsadaa

Dantuba qofka ay i muddo
Daqiiqadda uu i rabo
Inaan dayacaan necbahay
In aan diif iyo culays
Ku daayana waan karhaa!