Beryahaaba suugaan
Uma qaadan buuggoo
Kuma beegsan qalinkuye
Waxse soo butaacshoo
“Burqo” yiri ayaa yimi!
Baalbaal dareenkiyo
Aan ballaarsho hadalkoo
U bun dubo kalgacalkuye
Yarkan balagga ii lulay
Baradii halyaygiyo
Burcuu ku dhashayoo
Caku barashadiisiiba
Mucjisaa ku beegnayd!
Anigoon baraarugin
Ragna beerka uba furin
Saw kan ila baqoolee
Buurihii xusuusaha
Batalaalaheenniyo
Liido baalaheedii
Aan ku baanto ruuxdee
Soo beegso igu yiri!
Badweyntii jacaylkee
Boodhari dabbaashee
Bartankeeda ruux taga
Wadka looga baqi jiray
Anaa maanta booqdoo
Alleylehe bariinsaday!
Inaan baabanahayee
Isoo booqday caashaqa
Waxuun baad ku garataa
Sida aan busaylkiyo
Beernugaylka faraxiyo
U bilaabay xiisaha!
Sunnahaa ku beegane
Kolkol baan wareer iyo
Sawirtaa wax baasoo
Waxa aan ka baqayaa
Inuu buro jacaylkoo
Wacadkani la baalmaro
Nafuhuna basaasaan
Burdahaan se Rabbiyow
Uga balo xijaaboo
Baqara iyo wasaafaad
Marna baajin maayee
Allow baylah iyo ciil
Iga baaji adigaa
Boqoroo awoodee
Social Plugin