Ticker

6/recent/ticker-posts

Godob!



Go`ayoo ma nooli
Mana geeriyoonine
Gubashaan ku suganoo
Gudcur baan ku siqayaa

In aan geeriyoodoo
Gurigayga aakhiro
Naxash laygu geeyaa
Gar u qaadan laayoo
Ii dhaami layd godob

Guushayda noloshiyo
Goolkaan rejayn jiray
Caawa waa kan gurayoo
Guur diriq ah baan galay

Gacalkii i dhalay baa
Gefkan ii hibeeyoo
Gucashada i badayoo
Guur inkaar la garab dhigay
Ayay ii gelbinayaan

Go`aan aan ka qaatiyo
Gees aan u ciirsado
Garan maayo aniguye
Guullaan gargaar iyo
Garab wacan ka filaya