Ticker

6/recent/ticker-posts

Dheelliga maanta iyo dhiirranaanta berri!


Si walba oo aan u dhabar adag nahay, u karti iyo dulqaad ballaarannahay, una waayo’aragnimo iyo aqoon sarrayno, mar baa jirta uu dheelligu naga awood badnaado isla markaana na legdo. Waa xilli uu nafluhu u nugul yahay quusta, rejo xumada, walwalka iyo weliba murugada. Xaaladdaasi waxay ku imaan kartaa siyaabo kala duwan, natiijada ka dhalata ayaa se ah culays maskaxda iyo jirka qofka soo wajaha, kaa oo sabab u noqda in uu qofka maro duruufo dheelli iyo dhibaato leh. 

Waa sunnaha nolosha iyo waajibka qof walba oo maankiisa iyo dareemihiisuba si sare shaqaynayaan in uu maro xaalado adag iyo duruufo qallafsan oo ay waayuhu dhaleen.  Gedgeddoonka wakhtiga iyo dhirbaaxooyinkiisuba waa dhacaan oo bini’aadamku dhaawacaan. Isla markaana sabab u noqdaan in uu qofka la ciirciiro dhibaato, dareemana cakirnaan nafsiyan ah iyo caajis maskaxeed. 

Dhibaato-yaqaannada ka soo aflaxay jaamacadaha ay fureen dhalandhoolka wakhtiga iyo culaysyada nolosha, sidoo kalana tababbar buuxa ka heysta marxaladaha adag, waxay sheegaan qofba qofka uu ka han iyo damiir wanaagsan yahay in uu uga nugul yahay jallaafooyinka iyo xanuunnada la la kufo ee kaarka abuura. 

Qof kasta oo dhaqaaqa, welibana ay dhiirrani dabiici ah, han lixaad weyn iyo karti xad dhaaf ahi ku jiraan, waxaa qasab ah in uu soo maro waayo dabra, hakiya, isla markaana maskaxdiisa saara culaab sabab u noqon karta wax walba oo u siraaddanaa in uu mugdi ka indhoxiro. Sidoo kalana gaabiyo hayaankii geeddigiisa ama quus istaajiyo dhammaan rejooyinkiisii qurxoonaa, hanfiga haleelayna ku abuuro dareen ah in uu taagan yahay xuduuddii u danbaysay ee uu rejadiisa iyo awood u ku dedaalo kaga quusan lahaa. In nafluhu uu sidaa dareemana ka ma dhigna in uu yahay qof liita ama aan iska caabbin karayn dhibaatooyinka soo wajaha. Hase ahaatee waa in uu qofku marayo tababbar uu ku soo saarayo nafta dheellisa xilliyada qaar, balse aan sinna u dhiman ee dhiirranaanta iyo quwadda leh. 

Shaqsiga marayo wakhtiga dheelliga ee dhibaatada badani, uma baahna mararka qaar dhiirrigelin, sababta oo ah waxaa ugu filan xaaaladdaa uu ku jiro. Waxa uu se u baahan yahay wehel, dhagayso iyo dhabar taabad oo la dareensiiyo ugu yaraan in hareerihiisa la joogo. Marxaladdaasi waxaa muhiim u ah “HADAL”!  Marxaladdaasi dawooyinka loo isticmaalo, loo ga na bogsado kuwooda ugu wanaagsan waxaa ka mid ah hadalka iyo in uu qofku nefiso. In aad heshaa goob aad ku nefisi karto, welibana aad nafsiyan u dareemi karto nafta aad tahay, aad bay muhiim u tahay. Goobta aad ku nefisi kartaa waa in ay ahaataa goob aad ku hadli karto, qasabna maaha qof ama dhowr qof in aad kula hadasho, waxaa se aad muhiim u ah in aad naftaada kula hadli karto, waayo hadalka ugu dhow ee aad ku dawoobi kartaa, waa in aad adiga naftaada la hadasho ruuxdaadana la sheekeysato, oo ku dhiirrigeliso dheelliga maanta in ay xigi doonto dhiirranaanta berri. Sidoo kalana aad jacayl adigu isa siiso naftaada ku garab istaagto ka gudbidda wakhtigan adag ee dheelliga xanbaarsan.

Qofka dhex dabbaalanayo wakhtiga dheelliga waxaa dahabi u ah heysashada dad dhagaysta hadalkiisa nooc walba oo uu yahay. Dad aan duruufta ku xugmin, xilli walbana u heellan oo abuuri kara kalsooni iyo jewi hadal oo uu marna qofku ugu baahnayn kala shaandhaynta iyo kala kaydinta marxaladaha ku gedaaman, isla markaana uu si furan nefisaadna uu ku dareemi karo u sheekeyn karo. Xilliyada uu qofku innoo baahan yahay ama aan innaguba u baahannahay ama u baahanno dadka innoo dhow hiilkooda, waa wakhtiga dheelliga. 

Dharaaraha dheelligu si walba oo ay u adag yihiin, u xanuun iyo culays badan yihiin, una xanbaarsan yihiin quus iyo rejo xumo nolosha qofka mugdi iyo ciriiri gelinaysa, faa’iidada la ga dhaxlo ayaa ah dharaaraha ka danbeeya ee dhiirranaanta. Dharaarahaa aan ugu magac darnay “Dharaaraha dhiirranaanta” waa kuwa ay soo baxdo shaqsiyad tababbaran, dabacsan, macaan, fahan badan, adag, dhadhanka nolosha iyo naxariistuna biyo dhigeen. Intaa waxaa dheer miraha la gurto dharaaraha dhiirranaantu in ay ka mid yihiin dad la dhaqan saliim ah iyo weliba caawinta qof walba oo culays dareemayo. Ku darsoo qofkaasi astaamihiisa waxaa saldhig u noqda dhoollacaddayn oo dhaqankiisa waxaa gundhig u ah abuurista farxadda iyo rejo gelinta nolosha. 

Ogow, haddii aad la kulanto qof soo maray dharaaraha dheelliga kana soo gudbay ee si xasillooni leh ugu xarragoonayo dharaaraha dhiirranaanta in aad heshay fursad dahabi ah oo aad wax badan uga baran karto gedgeddoonka waayaha iyo sida looga guulaysto caqabadaha wakhtiga. Qofkaa la sheekeyso, la saaxiib, ka na baro casharrada nolosha.