Ticker

6/recent/ticker-posts

Safarkaygii Warsheekh.





Haddaan iraahdo waan ka sheekaynayaa waan hubaa in aanan qoraal ku soo koobi karayn dhadhankii iyo xiisihii xad dhaafka ahaa ee maskaxdayda saamaynta iyo jacaylka ku reebay. Sidoo kalana waan dareensanahay marna in aanan naftayda ka dhaadhicin karin tix iyo tiraab midna kuma qeexi kartide, waayahaasi laabtaada ku heyso! Sidaa iyo quruxda ay sheekadan leedahay darteed, waan ku qasbanahay in aan kuu gu tebinsawiro hadba sidii aan karayo ee ugu habboon!

Saddex sano kahor markii aan dalka dib ugu soo guryo-noqday ayaan qorshahan geliyay maskaxdayda, balse ii ma suurtagelin! Muddo badan ayaan u hanweynaa in uu Alle saantayda qaado oo aan maalin uun safar ku tago! Riyo iyo sawir ballaaran oo qurux xanbaarsan oo aan laabta ku heysto ayay ahayd, ugu danbaynna Alle wuu ii rumeeyay oo waan tegay oo u tegay dhulkii iyo dadkii aan jeclaa!

Warsheekh! Warsheekh waan tegay! Weliba waxaan ku tegay safar quruxdiisa aan sinna loo helayn erayo lagu qeexo! Safar ay qiimahiisii si ashqaraar leh ay uga farceliyeen uga na markhaati keceen  toban iyo lixdii qof ee aan ka koobnayn!

Maalin arbaco ah (13/7/22) ayaan isu abaabulnay safar ku wajahan Warsheekh. Waxaan ahayn asxaab iyo ehel is ballansaday oo ka kooban lix iyo toban qof. Xilli ku beegnaa duhurkii ayaan isku ballansannay Guryasammo oo ah goob ka mid ah goobaha nasasho ee ku yaalla Xamar gaar ahaan degmada Cabdicasiis, si aan halkaa uga wada baxno. Haba la soo kala hormaree, ugu danbayn waan isu wada imaannay, oo diyaargarowgii safarka iyo sheeko xogwadaag iyo jid-ku-mar noqonaysay ayaan halkaa ku wadaagnay.

Inta ugu badan saaxiibbadii aan safarka wada galaynay waxay ahaayeen kuwa hore u tagay Warsheekh, aniga iyo dhowr qof oo kale mooyee. Aniga se xiisihii aan Warsheekh u qabay iyo sheekooyinkii aan ka hayayba waxay iga dhigayeen sida qof hore u tegay oo kale.

Iskadabawareeg dheer kaddib, bacdal makhrib ayaan ka dhaqaajinnay Xamar. In aan xilligaa baxnay asxaab badan oo aan safarka innagu la jirin waxay uga dhignayd halis iyo in aan baxayno wakhti aan habboonayn. Hase ahaatee, kalsooni badan baan ku qabnay waddada iyo amnigeeda. Waxaan sii marnay degaanno badan oo ay ka mid yihiin Ceelcadde iyo Ceelmacaan. Weliba Ceelmacaan si gaar ah baan u codsaday in aan ku hakanno maadaama degaankaasi yahay mid aan ku noolaa ku dhawaad laba sano, markii aan Xamar ka qaxnay 2009kii. Markii aan tagnay Ceelmacaan waan ku degannay oo booqasho ugu tagnay ehelkii halkaa ku noolaa, sidoo kalana soo arkay gurigeennii halkaa ku yaallay. Farxad weyn bay ahayd!

Booqasho iyo shaah cabbis kaddib, markale ayaan safarkii ka dhaqaajinnay Ceelmacaan! Safar iyo koox walba oo meel iskugu timaaddaa garhayeen lehe, waddo hakista, isku heynta dadka, iyo weliba xiiso gelinta safarka marka laga yimaaddo in qof walbaa masuuliyad gaar ah iska saarayay, haddana waxaa dhammaanteen noo ga masuul ahaa saaxiibkay Yuusuf Sheekh Ciise oo heegan geliyaheenna ahaa.

Waddada isku xirta Ceelmacaan iyo Warsheekh waxay ahayd mid amni ah oo bilaa cabsi ah. Inbadan bay ii sawirnayd in ay tahay waddo maristeedu cabsi ku lammaan tahay, oo aan ku sii arki doonno dhowr xarumo oo ciidammo fadhiyaan, balse taasi way beenowday! Sidoo kale xiisaha safarkuba wuxuu dhadhankiisa bilowday markii aan ka dhaqaajinnay Ceelmacaan. In ay baabuurteennii bacaad galeen oo si wadajir ah wiilal iyo gabdho la isu caawiyay, waxay ka dhignayd maad iyo macne gaar ah.

Waxaan soconnaba waan gaarnay Warsheekh! Waxaa noo bilowday wakhtiyadii aan ku qaadan lahayn meel aan rabnay imaatinkeeda, misna na ga la sugayay! Hoteelkii aan degi lahayn ayaan soo cagadhigannay. Weji furnaan iyo soo dhawayn ayaa na halkii ka curatay. Milkiilaha hoteelka iyo shaqaalihiisaba waxaad moodday in lagu sii tababbaray soo dhawaynta oo la yiri dadkaa u la dhaqma sida kuwa aad weligiin taqaanneen. Casho ayay noo diyaariyeen oo miis baa noo buuxay, qolalka aan seexan doonnana waa loo hagar baxay oo isla markii aan hoteelka soo galnayba wuxuu milkiilaha na soo tustusay qolalka.

Weli waa is abaabulkiiye, inta aynaan u kala yaacin u soo diyaargarowga cashada iyo dhar beddelasho, ayaa dhammaan asxaabtii la iskugu wacay oo Yuusuf baa xusuusin ku samaynayay waxyaabo aan soo qorshaysannay inta safarka lagu guda jiro in aan samayno si aan taariikh xusuus leh iyo xiiso u samaysanno. Saaxiibkay Yuusuf hoggaanka isagaa noo ahaaye, balse markaa wuu igu soo weeciyay oo wuxuu ii doortay in aan qayb ka noqdo qorshe xusuusinta iyo weliba qofka laga rabo oraahda soo dhawaynta ah ee loo gu talagalay martidii aan ka midka ahaa!

Casho kaddib, caways qurxoon baa bilowday. Walow uu inna la socday fannaan ahna kabaniiste aan ugu talagalnay in uu na madaddaaliyo, haddana waxaa kooxda ka soo dhex baxay fannaaniin aad u bilay cawayskii. Cod, kaban, sacab, heeso xul ah iyo dareen sare ayaa si cajiib ah u falgalay. Waxaan mar keli ah illownay safarkii dheeraa, baabuur bacaad ka qodistii iyo wixii aan raf iyo daal waddada ku soo marnayba. Si walba oo uu wakhtiga u dheeraynayay maynaan dareemin oo waan la dhabbarsannay cawayska! Innaga oo mid walba oo innaga mid ahi xiiso u qaba in ay heesaha sii socdaan, ayaa la gaaray xilligii aan kala hoyaadi lahayn, si nasasho loo helo, wakhtiyada soo socdana tamar loo gu helo.

Waa cusub ayaa Warsheekh innoogu baryay aniga iyo saaxiibbaday. Anigu se macne iyo miisaan gaar ah ayuu ii lahaa. Xilligii safarka la soo galayay aad baan u daalannaa oo maalmo aad u hawl badan iyo arooskii Farax Sakhaawe iyo Axmed Cadde oo haddana saaxiibbada safarka ka mid ah ayaan aad ugu mashquulsanaa qurxinta inta karaankayga ahayd maalintoodii. Sidoo kalana, waxaa iigu xigay safarkan iyo dhafarkii habeenkii xalay ahaa ee aan cawayskiisa ku soo dhawaynaynay imaatinkeennii Warsheekh. Waxaas oo daal ahaa, safarkii iyo dhafarkii xalay oo isbiirsada iyo saaka sagaalkii ama saddex saac oo subaxnimo markii aan hurdada ka kacay sidii aan faxfax u ahaa marna ma ahayn wax is qaadan karo. Balse saacadihii koobnaa ee aan hurday ayaa iiga dhignaa saacado badan oo nasiino ah. Jewiga meesha aad buu ii caawiyay sidaan dareemayay. Ku darsoo, xilli roobaadna waa lagu jiray oo cimiladu aad bay ashqaraar iyo mucjiso u ahayd!

Miiskii quraacda lagu diyaariyay ayay iskugu wada yimideen wejiyo farxadda iyo firfircoonida ka muuqataa aad yaabayso. Qaarkeen baa marka ay qolkoodii hurdada ka soo baxayaan heesayay. Qaar kale ayaa kaftan iyo su’aalo qosol leh albaabka uga soo baxay. Dhan walba ayaan isu la jiibinnay. Kaddib iswaraysi iyo kala xog gaadasho la xiriirta cawayskii iyo hurdadii xalay, waxaan is waraysannay qorshaheenna maanta iyo saacadaha nagu soo fool leh waxa aan qaban doonno. waxaan isla qaadannay sida qorshaha ahaaba in aan safar kale oo gaaban geli doonno, welibana qadada ka casuumannahay Qoraloow! Kahor se badda in aan aadno dhowr sawirna ku soo galno ayaan isla qaadannay. Saacado kooban oo kaftan iyo sheeko ah kaddib waxaan heesaynay safar kale oo gaaban, baabuurteennina waan is daba dhigannay!

Dhul doog ah oo qurux badan, amnina ku lammaan yahay oo wax aad ka cabsanaysaa aysan jirin ayaan soo dhex jibaaxnay oo waxaan nabad imaannay Qoraloow. Dad baan u immaannay aad yaabayso gacaltooyada iyo dad jacaylka ku jiro. Si xushmad wanaag iyo jacayl leh ayay fadhiga noo ga keceen! Intii ay saantaydu gaartay ee aan tegay intii aan noolaa weli la ma kulmin dad ka gobonnimo iyo soo dhawayn badan dadkii aan kula kulmay Qoraloow. Qoysas maamuus badan oo wiilal iyo gabdhaba erayba erayga uu ka saamayn iyo kalgacal badan yahay nagu soo dhawaynayo ayaan la kulannay! Neefaf ayaa na loo qalay oo qado ayaa la diyaariyay! Xaafaddii aan joognay agagaaraheeda iyo qaybo ka mid ah tuulada ayaa na la soo kala tustusay. Annaguna markiiba waxaan bilaabannay waxyaabo xiiso abuuri kara iyo tartamo kala duwan oo uu ugu horreeyay geed ka bood iyo in orod lagu tartamo. Xiisaha iyo qosolka gaarka ah ayaa ahaa se in tartamadaas la iskugu awood sheegtay oo qaarna laga orod badiyay qaarna laga bootin dheeraaday, oo intaasina sii dheerayd muuqaallo iyo taariikho maanta ilaa mustaqbalka fogba lagu qosli doono in laga sameeyay.

Dhul indhaha u roon, aqallo qurux badan iyo waab weyn oo loo diyaariyay in aan ku hargalno, ku qadayno, welibana ku wakhti qaadanno ayaan dib ugu soo noqonnay tartamadii kaddib. Innaga oo sheeko iyo kaftan foodda isdarnay ayaa na la soo hordhigay qado dhammaystiran oo hilibka iyo bariiska isbarkan yihiin iyo caano geel! Koox koox ayaan u fadhiisannay annaga oo mid walbaa uu u hammuun qabo in uu cuntadaa dhadhamiyo. Waxay noqotay qado aan iri waxay u awood sheegaynaysaa qadooyinkii aan hore u soo cunay! Aad baan runtii uga helay. Sidii aan qadadaa uga dhergay iyo weliba dharagtii caafimaadka xanbaarsanayd ee aan dareemay dhawaanahaan ma dareemin!

Markale ayaan halkii ka aloosinnay barnaamijkeennii heesaha oo heesaagii wuxuu isku hagaajistay kabankiisii iyo qalabkiisii kale, qolo aan aniga ugu horreeyana jiibinta iyo sacabkuba diyaar ayay ka ahayd, intii heesaha iyo cod tolmoonida loo ga bartayna, safka hore ayay sii ahaayeenba. Intii aan karaynay ayaan dhex jibaaxnay jewigii isla abuurmayay ee aad moodday in la iskugu talagalay ee ka koobnaa farxadeenna, jewiga, heesaha macaan ee dooqa la falgalayo iyo weliba dhulka doogga leh. Wixii aan marba hees soo qabannaba, waxaan soo jeediyay in aan ciyaar iyo xujo u beddelno oo aan heesaha ka yara

Waxaan qeexay sidii aan doonayay in ay ciyaarta u dhacdo iyo xujadii ay xanbaarsanayd oo ahayd, in aan isla qaadanno xaraf kaddibna xarafkaasi eray uu ka bilowdo qof walbaa yiraahdo, qofkii gafa marka wareegga ku yimaadana lagu xujeeyo in uu wax uun sameeyo ama la weyddiiyo su’aal. Waxaan isla qaadannay in qofkaasi su’aal la weyddiiyo, malaha dhammaanteenba qofba qofka kale in uu wax ka ogaado ayuu u xiiso qabay e! Ciyaar xiiso badan ayaa halkaana innooga bilaabatay, oo qof walbaa xiiso ayuu ku dareemayay in uu qof gefo kaddibna su’aal la weyddiiyo. Inbadan baan kala maadsannaye, hoosta ayaan ka ducaysanayay oo aan ka lahaa “Ilaahow aanad gefin su’aal ma karaysid oo waad ogtahay qaar badan oo su’aasha kugu adkayn doona ayaa meesha jooga e”. Waxay socota se way igu timid, waanan gefay! Su’aal adag baa la ii baaray oo waxaa markii danbe la ii helay in la i yiraa “wiilashaan haddii lagu yiraa mid ka dooro aad guursatide, kee ayaad guursan lahayd” haba adkaatee, waan se doortay oo way ii suurtageli weyday intaa oo nin oo aan badankood wada aqaanno oo haldoor ah in aan mid keliya ka dooran waayo! kaftan xiiso leh iyo jewi yar oo xusuus leh ayay abuurtay su’aashi iyo doorashadaydii aan uga jawaabayba.

Wakhti xiiso leh oo ay saaxiibbo isla jewi helay wada qaadanayaan ayaa sinna loo dareemayn dheerayntiisa oo midkeenna ma moodayn in aan laba habeen iyo laba maalmood halkan ku qaadannay e, waxaa se la gaaray wakhtigii aan soo bixi lahayn soo na nabadgalyayn lahayn dhulkii aan u wada riyaaqnay qof walba oo naga mid ahina uu uga helsanaa si bilaa qiyaas ah. Gawaarideennii ayaa isa soo daba dhigannay, oo markale baan safarkii u soo heesaynay dhankii Xamar. Sii socodkii wuxuu ahaa wakhti habeen ah e, soonoqodkii wuxuu i sii baray quruxda iyo mucjisada ku duugan dhulkaasi. Dhadhanka ay lahayd sheekada saaxiibbadii aan gaariga isla saarnayn, iyo weliba madaddaalada heesihii aan dhagaysanaynay marka laga soo tago, aniga daawashada dhulka cajiibka ah baan ku maqnaa u na riyaaqsanaa, qalbigayguna wuxuu ku heesayay heestii Maxamed Mooge ee lahayd:

“Dhulkan oo gu’gii da’ay

 Dhinacyadan maqaadiish

 Dhanka midig baddii tahay

 Bidixduna dhir iyo doog”.

Intaa waxaa dheerayd ahaydna dhacdo xiiso badan xanbaarsanayd, safarkeenniina aan ku soo afmeernay, in aniga iyo kooxdii aan gaariga wada saarnayn, ahaynna gaarigii hagayay ee hor socday gawaaridii kale, hees noo shidnayd oo runtii lahayd muusig noocii la yiri ha lagu jaaso, aan isla garannay in aan gaariga joojinno mar kali ahna wada daganno muusiggana dheerayno oo aan ciyaar bilowno, si baabuurta kale marka ay na soo gaaran noo la qabsadaan.

 Baabuurtii way na soo gaareen saaxiibbadii saarnaa dhammaantoodna way soo degteen oo jaaskii dhankooda ka soo galeen! Xaqiiqatan waxay ahayd daqiiqado aad u xiiso badan oo farxad iyo xusuusba ku biiriyay safarkii, si cajiib ahna u soo afmeeray. Xamar baan dib ugu soo laabannay annaga oo mid walbaa leeyahay “safarkan waa kucelis, oo waa in isla kooxdan ay markale safar sidan u xiiso badan isu ballansataa”. Sidoo kale waxaan si isku mid ah u wada qirnay dhulkaa iyo ashqaraarkiisa, iyo weliba gobonnimada aan dadkaa kala soo kulannay iyo sida ay u soo dhawayn iyo dun wanaagsanaayeen! 

 Ka Fartuun ahaan, waan hubaa in aan ku noqnoqon doono marar kale oo badan, InshaAllaah!


fartuunsakhaawe@gmail.com