Ticker

6/recent/ticker-posts

Mar la arag!


Kala muunad wacanoo
Kala mudan ayaamuhu
Wakhtina mugdiyo libin
Midba waa xusuustii

Mar dhexaadka galabnimo
Maqribkiina lagu siqay
Cirka uu musbaax iyo
Gebigiiba midab yahay
Jewiguna macaanyoo
Si u mooddo dhibic roob
Inay mirirro dhiman tahay
Adigoo muraaqada
Ku mushaaxay caaddaa
Naftu ay mabsuud tahay
Ma kuu baaqay wiil shidan?

Midigtayda anigoo
Ku ogaa marnaashaan
Ka maqlaa cod dahabiya
Marki aan jalleecana
Wiil muuqa dheeroo
Quruxdiisa maandoor
Indha aan mar keli ahi
La masaali karin iyo
Afka dhuxul madow yahay
Maariin dhalaaliyo
Midabkiisu asal yahay
Milicsigi fogaantuba 
Dhaayahaygu may qaban! 

Salaantuba ha maagtee
Marki aan bariidada
Isla muusanownee
Mid walbaaba kii kale
U riyaaqay muxubada
Magacyada isweydaar
Barashada mugteediyo
Soo dhawaynta marinkeed
Kaftan la isu baal maray
"Meel aan fogaynoo
 Sheekada ku muudsanno
 Ma aadnaa Fariidaay?" 
Sow Maxamed muu dhihin!

Martisoorka aniguna
Cidi igu ma gaartoo
Waa tii mar sii hore
Muddo aan u sitay koob! 

Meel dheer ma raadine
Maankaygu noo door
Baddii muuqa dheereyd 
Inaan soo mushaaxnaa
Carra edagna maahee
Markiiba waan nimi

Cimmilada mucjisadaa
Iyo muuqa xeelliga
Midna dhuganba maayoo
Miyirkaygi waxa rogay
Miisaan u hadalkiyo
Maamuuska erayada
Xigmad iyo maqaamkeed
Maaweelo xigashada
Murti iyo hal'sooceed
Midki hibo u yeeshaan
Caawa meel la joogaa! 

Anigoo murmaayoo
Hadal hoos maldahayoo
Maqal dhowrayaan iri
"I maansheeyay gebigay
Waa kan sida mahiigaan
Ku meerteystay laabtuye
Mar la arag la sheegiyo
Ma malaa'ig baa tolow?
Yarkan malabka dhaafee
Qalbigayga maamulay
Ma xaramka geeskiyo
Muqdishuu u dhashay tolow?" 

Mir jawaaba maan helin
Meeshan joogo waa gogol
Illeen xalay mirtii dhexe
Markii aan hurdada galay
Riyo baan maquurtoo
Haasaawe maan helin
Dhabna maaha xaajadu!