Ticker

6/recent/ticker-posts

Guuleed ma helayaa!




Maalmaha qaar baan la soo toosaa aniga oo qalbiga guntiisa hoose ka dareemayo degganaan, farxad, ahaansho iyo naruuro xooggan. Dareenkaasi wuxuu igu dhaliyaa in maalintaas oo dhani ay maskaxdayda isu bedbeddelaan dhowr hees oo midba midda kale ii dhiibayso, anna aan ula burqanayo sidii fannaanad cod tolmoon! Reerka oo dhani way garanayaan saansaanta maalintaydaas. Sida caadada ii ahba haddii aanan shaqo ama waxbarasho u kallahayn ma dheelmado oo hurdada waan ku raagaa. Xilli duhurkii lagu sii siqayay ayaan soo toosay. Qolkii hurdada ayaan ka soo baxay aniga oo dhoollacaddaynayo kuna heesayo: 

"Mar adoo iga dheerbaa 

 Qalbiga kuu dhawaaqayaa

 Mar adoo ii dhow baa 

 Indhuhu kaa dhargeyn." 

Fadhiga oo aan reerka badi codkooda ka maqlayay baan ku sii leexday, albaabka laga galo oo walaalkaygii iga yaraa taagnaana ogaan iyo fowdo baan garabka ugu sii qaaday. "Qoftii waalnayd baa soo toostay" ayuu yiri isaga oo qoslayo.

Warwareeg guriga dhexdiisa ah, in aan marba qof wax dhib ah ku soo sameeyo, ciddi telefishinka daawanayso ka soo demiyo, marba ruux is eryanno, dadka xaafadda oo dhani kaftamiyo oo aan ka qosliyo, waa balwadaha u astaanta ah maalintaydaas. Sidoo kale waxa aan aad u jantaa in aan labbisto oo aan aad isu qurxiyo. In aan maalintaa baxana waaba qasab. Walaashay iga yar baan ku baryay in ay i raacdo oo aan iska soo jewi beddelanno, iyaduna way iga aqbashay. Aniga oo farxaddaydii sii siyaadday ayaan jaas ku soo galay qolkaygii si aan u soo xusho dharkii aan xiran lahaa. Sidii aan marba mid isugu fiirinayay dharkii oo dhan waan soo wada bixiyay. Ugu danbeyntii aniga iyo Dheeman waxaan isku raacnay in aan xiranno dhar isu eg. Kadibna Makeupkii ayaan ku xigsiinnay oo marba wax sidaan u marsanaynay ayaan dhowr saacadood ku qaadannay. 

Diyaargarow dheer kadib, qolkii oo isku wada qasan, dharkii aan soo daadinnay, makeupkii iyo kumbuyuutarkii oo hees aan cirka kula xirnayba waan isaga soo dhex tagnay. Yeelkeede, waxaasiba ii ma muuqdaan oo waxaan ahay qof aan dhulka ku socon cirkana gaarin. Dheeman iyo aniga oo aad mooddo in aan muddo isla soo tababbarannay sida aan jiibta iyo jaanta isu la heleyno ayaa qolkii fadhiga soo galnay.  "Lacag aan boodho ku raacno na sii" ayaan ku dhahnay hooyo. Waxay na weydiisay halka aan u soconno ee aan sidan ugu soo labbisannay. Annaguna beerta boqorka ku soo jewi beddesha uun baan islahayn oo waan u sheegnay. "Ma beerta boqorka oo halkan ah baad lacag iiga qaadaysan! Naago kibray baa tihiine, halkaa kala baxa" ayay na tiri. Ma waddooyinkan Kambaala ee wada dhiiqada iyo jajabka ah ayaad noo quuraysaa annaga oo sidan dhan wakhti isu gelinnay, ayaan ku sii hadal macaystay. 

Soo baxnay oo waddada ayaan cagta soo saarnay. Boodho na ag maraysayna waan joojisannay. Adiga ayaa ninka xigsanayo iyo adaa xigsanayo oo aniga gadaal baan rabaa ayaan isku qabsannay oo aan dhowr daqiiqo ku qosqosolnay. Ninkii boodhada waday ayaa nagu yiri "maanta oo dhan ha shaqaysan ee gabdhahan ag taagnow haddii la i yiraa waan oggolaan lahaa, sababta oo ah qosolkiinna quruxda badan ayaan ku diirsanayaa."  Soo raacnay oo waxaan nimi beertii. Waan fadhiisannay  oo durba waxaan bilownay in aan Snapchat iska duubno oo aan heeso shidanno. 

Intii aan halkaa fadhinnay marba wax aan ku qosolno oo sheeko noo noqda ayaan la kulmaynay. Wiilal badan ayaa marba mid nagu soo leexanayay si ay noo bartaan. Annaguna ka ma daalayn e, marba magac ayaan la baxaynay marka ay magacyadeenna na weydiiyaan. Telefoonno aan jirinna inta u sheegno ayaan lahayn, xaafadda ayaan uga soo tagnaye waxba hadda ha wicin. Qisadii noogu qosolka badnayd waxay ahayd in mar wiil noo yimi oo salaan kadib magacyadeenna na weydiiyay ay Dheeman tiri "magacaygu waa Geenyo." Hadde waa kaygii! Anna isma dhibine Dheeman baan liiska ku galay. 

Saacado badan ayaan halkaa ku qaadannay. Habeen ayuuna jewigii ku sii siqay. Waan soo baxnay. Balse markan waxaan go'aansannay in aanan boodho raacine aan guriga lug ku tagno. Markii aan inyar soconnay, ayaan soo ag marnay meel barxad ah oo ay wiilal Ugaandhiis iyo Soomaali isugu jira kubad ku ciyaarayaan. Laba wiil ayaa sheedda naga arkay, oo na soo daba kacay. Aad bay u soo dheereeyeen oo waan garannay in ay annaga nagu soo socdaan. Innaga oo hoosta ka qoslayna ayay na soo gaareen. Isbarasho ayaana halkii ka curatay. Laakiin, waa sidii hore oo kale uune, magacyo been ah ayaan u dhiibnay. Durba way is qeybiyeen, oo midna Dheeman ayuu ku hagaagay midna aniga. Ilaa xaafadda agteeda ayay na la yimaadeen. Ma rabin annaga in ay gurigeenna si rasmi ah u bartaane, meel dhexe ayaan u istaagnay. Waan yara sheekeysannay. Guuleed oo ahaa midkii aniga ii sheekeynayay, wuxuu ahaa wiil aad u qurux badan. Weliba wuxuu si gaar ah u lahaa indho aad u qurux badan. Faduushaydaan yaraysane, "aad baad Guuleedow u indho qurxoon tahay ayaan ku iri." Bal maxaa igu raacayay! Isagiina wuxuu bilaabay meel walba oo aan u qurxanahay in uu qeexo! 

Si hoose ayaan Dheeman isugu baaqnay, innaga oo ujeedkeenna ahaa waan isku raagnaye aan raggan ka baxsanno. Wakhtigaa na hayay mooyee, Guuleed aad baan ula dhacsanaa sheekadiisa iyo horjooggiisaba. Indhaha cajiibka ah joogdheeri iyo jir qurxoon baa u wehlinayay. Si kastaba, waxaan ku dhahnay waa qasab in aan gurigeenna galnaa, idinkuna waad mahadsan tihiin sidaad noo soo dhawayseen. Telefoonnadeenna ayay naga codsadeen, Dheeman waxay ku tiri "mar dhow ayaan qurbaha ka nimi oo hal lambar baan isla heysanna."  Lambar been ah ayayna siisay. Waana is macsalaamaynay. 

Xaafaddii ayaan soo galnay, oo intaan guriga soo koraynayba iyagii baan gorfeyneynay. Dheeman waxaan u sheegay in aan Guuleed aad uga helay. Intay qososhay bay tiri "Naa aniga kii caatada ahaa ee igu soo beegmay, hadalba ma aqoone 'ma garatay' ayuu nafta iiga qaaday. Habeenkii oo dhan waan ka fikirayay. Waan iskula yaabanaa sababta aan ilaa heerkaa uga fikiri karo qof aan kedis kula kulmay. Mararka qaar baan hoosta iska lahaa 'maxaad telefoon saxan u siin weyday'. Marka uu hurdad ii diiday waxaan niyadda ku dejiyay in waxani yihiin ka helis uune, aan iska seexdo. Balse wakhtigaa ilaa maanta oo dhowr bil ka soo wareegatay isku si baan Guuleed uga fikiraa! Saaxiibbadaydii iigu dhawaa cid walba oo aan la wadaago waxay i tiraa "jacayl kedis ah baa kugu dhacay." Haa, waa dhab jacayl kedis ah baa igu dhacay. Jacayl kedis ah oo weliba eegmadii koobaad igu haleelay. Jacayl kedis ah oo aan dawadiisana la heli karin, waayo la ma hayo qofkii aan jeclaaday, mana garanayo meel aan kala xiriiri karo.

 "Aaway hee inankii is arkoonay

  Aaway hee aragiis ma illaawine. Iyo

 "Caku aragtidaadii

 Saw Caashaq ima helin"  uun buu ku soo idlaaday dareenkii iyo in aan niyadda  ku hayo Guuleed!