Ticker

6/recent/ticker-posts

Maxbuus!

Xanaftiyo waaya adag
Kolkaan  xadantada wakhtiga
Xiskayga ka mayr iraa
Qalbiga xuurtaysan baa
Xayndaabkaba dhaafi karin
Naftaanu ma xasili kartee
Xusuusta i daashataay 
Hadmaad iga deyn xargaha? 

Xil aan u lahayn awood
In aan xakamaha hayaa
Adaa ii xeeriyoo
Xilliga qaybtaan karhiyo
Dhib aanan xalkiisa hayn
Xusuusyay aday badee
Haalkeen kaa xaalsadaa
Miyaad aduu xeer lahayn? 

Jeel baan ku xaraysanoo
Maxbuus baan ahay xukuman
Xusuusyay aday hantee
Xushmada ii eeg haddeer
Xaalkaygana waad ogtoo
Xanuunba ma qaadayee
Xulashada ii door wacnaan
Igee xeelliga baddoo
Noloshi xiisaha lahayd
Si aan ku xusuusto yeel!

Xaddigi samirkaan lahaa
Waxaan rejo xeerin jiray
Xammilkaygii badnaa
Xaashee waad laashayoo
Inaan xayirmaan arkaye
Xaraaruga la ma dhiboo
Noolaha la ma xiijiyee
Xusuusyay idaa mar uun
Amaba ii dooq xurnimo
Allaan ku gu xaadirshaye!