Noloshayda waa qiso
Waa qodobbo wada xusan
Qaraar iyo macaan iyo
Way qaabab badan tahay
Qofuu waayaheedii
Qaabeeyay baan ahay
Qaxar iyo dhibaatiyo
Qosol iyo damaashaad
Ruux qaabishaan ahay
Wadnaheeda oo qalan
Qofka qarin karaysee
Farxad qaybisaan ahay
Taariikhda qaxarkaa
Cashar ruux ka qaaddee
Ka qormaysa baan ahay
Noloshana qushuuc iyo
Qiiro iyo dareen iyo
Qurux iyo mabsuudiyo
Qalbi nool wixii dhisa
Ayuunbaan ka qaataa
Social Plugin