
Waa duni cajiib ah. Welibana ashqaraar ah. Waa duni mucjisooyinka, awoodaha iyo dareennada kala duwan ee ay kulmiso aan sinna loo qeexi karayn.
Xilliga iyo xaaladaha cajaa’ibka xanbaarsan ee aan Liido ku beegmay ee i baray dunida layaabka leh, misna maankayga doorisay ee halkaa ka jirta, qof arkay uun baa ila dareen dhadhansan karaya e, qoraal kuma koobi karo!
Safar walba oo aan Xamar imaado Liido waa ii saldhig oo inta ugu badan gabbal ii ma dhaco oo ma hoyaado aniga oo aan Liido iman, oo xitaa mararka qaar aniga oo aan xeelliga badda u degin baan dusha sare ka daawadaa intaan hoteellada badda ku teedsan mid ka mid ah fadhiisto, misna koobkayga shaaha ah iyo sheekada saaxiibbada isla helo. Sababtuna waa jacaylka gaarka ah ee aan Liido u qabo. Hase ahaatee, waxba waxbaa ka sii dareen iyo soojiidasho foge, habeenkan cashar gaar ah ayay Liido qalbigayga u dhigtay, dareenkaygana way gilgishay!
Aniga iyo saaxiib ka mid ah saaxiibbadayda aan jecelahay, laakiin uu wakhtiga inna kala fogeeyay oo muddo fog kahor iskugu keen danbaysay ayaa habeenkani ku ballannay is aragti, maaddaama uu Xamar yimi! Sida caadada ii noqota marka aan Xamar imaado, sababtuna tahay ehelka iyo saaxiibbada oo badan, misana aan isu xiiso qabno darteed, way igu adkaataa in aan hal ballan samaysto, ama aan qof keli ah la kulmo, balse waxaan sameeyaa in aan wakhtigayga kala qaybiyo oo aan qolaba wakhti gaar ah ballamiyo, habeenkanina fiidkiisii ilaa 11kii ama shan saac oo habeennimo koox saaxiibbaday ah baan wada lahayn casho iyo caways iskugu jiray sheeko iyo ciyaaro xiiso leh.
Intaa kaddib baan iyagii ka soo tegay oo aan meel aan ku ballannay ugu imi saaxiibkaygii aan qorshaysannay saacadaha cawayska ee danbe in aan isla qaadanno, welibana magaalada halka aan doonno ku soo xayaadno. Markii aan ugu imi meeshii uu joogay ayuu i weyddiiyay halka aan doonay in aan aadno, aniga oo aan u fekerin ayaan ku iri “Liido aan aadno”. Isla markiiba waxaan soo raacnay bajaaj, Liido goob gaar ah oo aan ka sii aadno ayuu i weyddiiyay, misna waxaan iri aan tagno Elite, aniga oo weliba u raaciyay oo iri “kudarsoo, halkaa ka ma walwalaysid in ay wakhti danbe tahay oo la xirayo, ilaa waaga baryayo ayaan ku kala sheeko bogan karnaa oo cidna kuma dhihi doonto ka hoyo, sida badi hoteellada magaalada ay sameeyaan oo kale”. Intuu qoslay buu ku halceliyay “xilli danbe socodkaagii goob kugu soo baxaysa ayaad u heshay”.
Markii aan Elite soo cagdhignay bay indhahaygu qabteen baabuur iyo dad aad u tiro badan, oo markiiba waxay maskaxdayda ku baraarugtay in ay arbaco ahayd oo uu Elite ka jiro caways ay fannaaniin ka heesayaan. Buuxdhaafkii dadka na ma joojin e, hore ayaan u soo galnay. Waxaan saaxiibkay u sheegay in habeen walba oo arbaco ahi uu cawayskan meesha ka jiro, hase ahaatee uu caawa ka duwan yahay kana dad badan yahay habeennadii hore.
Waxaan gudaha u soo galnay hoteelkii oo ay buux dhaafiyeen dhallinyaro boqollaal ah oo mid walbaa reynreynta, farxadda iyo jewiga sare ee wejiyadooda ku qorani aanan eray lagu qeexi karin! Waxaa cirka ku shareernayd muusig aad mooddo in la yiri qalbiga iyo maskaxdaba ka daryan oo qof walbaa si gaar ah u gilgil. Waxaa isdhaafdhaafayaa oo qaarkood gacmaha is heystaan wiilal iyo gabdho farxadda wejigooda ka iftiimaysa ilaa heerka ay qurxisay dheehooda aad kala garan waayayso!
Waxaan ku yabaalay oo aan garan waayay meel aan istaago oo aan ka daawado durdurka cajiibka ah ee halkaa ka socda. Meelba meel bay ka mudnayd. Dhowr qof oo aan isnaqaannay baan iska soo horbaxnay oo aan isu salaannay si kalgacal iyo jewiga farxadeed ee halkaa ka jira ka turjumaysa, oo aan is iri xitaa salaanta halkan taalla caawa way ka duwan tahay tii habeennadii hore!
Aniga iyo saaxiibkaygii aan wada soconnay oo ashqaraarsan baa meel koone ah istaagnay oo daawasho kula dhaqaaqnay sidii layaabka lahayd ee ay isu la falgalayeen fannaanka, heesta, jewiga, dhallinyarad iyo weliba farxaddooda! Sidii aan halkaa u taagnayn oo aan ula mabsuudsanayn jewiga iyo xaaladaha isgalay ee halkaa ka jira ayaan isla qaadannay, bal in aan badda u degno oo aan halkaa ka war doonno.
Wixii hore wax ma ahayne, duni kale oo xamaasad xanbaarsan badda agteeda ayay taallay! Heesihii Elite ka shidnaa oo ay wehliyaan codad jabaqdooda la isla helay oo dhallinyarada halkaa joogta aad mooddo in ay isla soo xifdiyeen, jewigii badda iyo weliba dhallinyaro aad u tiro badnaa, welibana u badnaa lammaane oo xeelliga badda socda, iyaga oo laftooda ay qaar la heestaan heesaha halkaa ka socda oo aad maqlayso in ay ka daba qaadayaan iyo qaar qosolkooda iyo sheekadooda wata ayaa duni kale ka sameeyay badda agteeda! Dhan walba oo aad eegto waad ashqaraaraysaa oo daawasho mooyee, way kugu adkaanaysaa in aad hadalba wakhti geliso! Waxaad kala garan waayaysaa marxalad aad ku sugan tahay oo kala ma saari karaysid in ay badda jacayl kugu beerayso, in aad jacaylka lammaanaha ee hareera badda laafyoonayo la jiboonayso, in iskaa adiguba jacayl ku hayo, iyo in aad caashaqsan tahay jewiyadaan iswadagalay, ee dunida kale abuuray.
Dhanka aad u tallowdaba dhankii kale ka daran e, annaga oo badda marba dhan u lugaynayna, ayaa meel xoogaa noo jirtay ka aragnay goob dad badani ku kulansan yihiin, dabna uu ka baxayo. Waan soo gaarnay, se waaba wadne weyn oo dhulka ku sawiran kaas oo hareerihiisa dab ka shidan yihiin, lagu na dhex qorayo magacyo, hadba lammaanihii dalbada! Mar kale ayaan ashqaraar la aamusay, oo garan waayay erayo aan ku qeexo habeenkan caawa ah dhallinyarada Xamar qaybtooda Liido ku sugan sida ay u shaxshax geliyeen dunidan cajiibka ah ee maandooriyaha igu noqotay! Maskaxdayda waxaa buuxdhaafiyay qiimayn ay ku samaynayso jewiga, nabadda, dhallinyarad, farxaddooda, jacaylkooda iyo weliba qanacsanaantooda. Naftaydii oo tacajabtay ayaa marba si hoose u tiraahda, “habeenkani cajiibsanaa! Wallee Xamartaydii way tagtay, Eebbe ha u siyaadiyee, iyo Liido waa duni kale oo cajiib ah”. Afkayga wuu waayay hadal intaa ka duwan ee uu ku qeexo habeenkan daraandarka ah iyo jewiga mar la’aragga ah ee ay dhallinyaradayda ku jiraan!
Ilaahay Xamar nabadda iyo horumarkaba ha u xoojiyo!
Social Plugin