Ticker

6/recent/ticker-posts

Godlis

Inaan isla giijinnay
Nolosha guusheeda tee
Markaan gaaggaxo aniga
Adaa godliyoo qalbiga
Nolosha guugaabiyoo
Dib baan u gocdaa jacayl

Kolkaad adi gaabisana
Anaa garab kuu noqdoo
Iftiin kuu gaara iyo 
Dareen gacaltooyo iyo
Ubaxa kugu guud furee
Miyaan kala go’i karnaa?