Ticker

6/recent/ticker-posts

Xiddiggii arooska!


Muddo ku dhow siddeed sanno aroos qurbaha ah iyo mid aan marti ka ahayba maan tegin. Mid aan maamulayo oo qoyska ah maahee. Waxaan dhihi karaa waanba illaaway xinnaysi iyo xafladaysi aroos, intaana waxaa ii dheerayd in aanan ka helsanayn aroosyada qurbaha oo aan u dareemayay kuwa lagu caajisayo, wakhtiguna aad u dheeryahay. Hase ahaatee, kan sinna waan uga baaqsan waayay oo inaadeertay baa aroosaysay, anna malaha si baan u rabay oo muddo jaas isla ma kala bixin, ruuxaan jaaska jecelna waa tii igu jirtay e. 

Diyaargarow iyo wixii duruuc iyo dhar xafladeed xaafadda yaallay in aan meel iskugu keenno ayaanan galnay aniga, Farax iyo Cayni. Walow uu Cabaas na raacayay, balse waad iska fahmaysaan oo wiilku gabdhaha ku xeer maaha, daqiiqadaha ugu danbeeyo ayuuna kala tuurtaa labbiskiisa oo isku daah maleh. Saacado dhowr ah oo iskugu jiray, timohagaajin, makeup marsi iyo weliba labbis ayaan qaadannay. Aniga wixii aan makeup ku waalnaadaba kudhawaad saddex sanno makeup dhammays ah maan marsan oo wuu iga kala lummay sidii loo naqshadaynayay, balse Cayni oo turukaynta xaafadda looga kala haray baa aad iigu fara yaraysatay. Qorshahayga labbis intii aan timaha iyo turukadaba hagaajisanayay wuxuu ahaa in aan xirto dirac, laakiin markii aan intaa ka soo dhammaaday aragtidaydii way isbeddeshay, waxaanan go’aansaday in aan xirto cambuur aan ka helsanaa dhar xafladeed oo shidanna u arkayay. Farax iyo Cayni oo aan ballantii uga baxay baa buuq iyo qaylo iskugu kay daray iyaga oo cod dheer igu lahaa “wax ballan ah in aanad lahayn awalba waan ogayne, naga tag”, aniga se dhag uma dhigin e, cambuurkaygii ayaan isku giijiyay. 

Markii aan labbiskayga isku dheellitiray, sidii lamadhaafaanka ahayd baan muraayadda is hortaagay, marba dhanna iska fiiriyay. Aniga oo labbiskayga, makeup-kayga iyo weliba habka timaha ii yihiin ka helsan baan telefoonkaygii la soo baxay, dhowr muuqaal oo Snapchat ah, welibana heeso dulsaaran yihiin ka soo tuuray, kuwaas oo aan qaarna soo saartay story-ga Snapchat-ka, qaar kalana saaxiibbadayda gaarka ah u diray, illeen aniga maahi dadka kumannaanka ay saaxiibbada ku yihiin u wada dira waxay ay duubaane, intii koobnayd ee aan isu dhawayn wax isu dirisna iga la dhaxayn kartay baan ka gaarsiiyay tiro muuqaallo ah oo ka dhigan “war hooy iga war haaya caawa aroos baan u socdaa, waana shidanahay, muuqaallana waan idinku wareerin doonaaye. 

Aniga oo weli muraayaddii hortaagan, quruxdayda in aan ka helsanahayna ii dheertahay in aan marna ku hor jaasayo oo aan sii bilaabayba ciyaarta hall-ka arooska kahor, dhanka kalana muuqaallo duubistii iyo u jawaabista saaxiibbada qaybtooda faraha fudud ee markiiba ka soo falceliyay muuqaalladii aan u diray, ayuu Cabaas oo durba isdiyaariyay gaarigiisii albaabka soo hor qotomiyay hoonna nagu bilaabay, Cayni iyo Faraxna raaciyeen “Fartuunay bes haddaba, muraayadda ka soo dhammow ee soo soco”. Anna intaan soo cararay qolkaygiina soo maray oo dhowr barafuun isku soo dharbaaxay baan soo degay. 

Waxaan soo soconnaaba waxaan imaannay goobtii arooska iyo hall-kii oo ilaa bannaanka dad buuxaan. Ehel iyo saaxiibbo aynaan muddo is arag baan halkii isku muxibo salaannay, gudaha ayaanan sii galnay. Walow Cabaas naga haray, oo sida aan ku arkay aroosyada qurbaha ay caadadooda tahay in ay wiilasha hall-ka soo galaan keliya saacadaha u danbeeyo. Gabdho iyo hooyooyin aad u qurux badan, oo aad mooddo midabbada ay ku labbisan yihiin in ay ku soo wada tashteen ayaa madasha bilay. Sidoo kale hall-ka bannaankiisa waxay ishayda ku dhacaysay wiilal joog iyo jamaal leh oo dhammaantood suit ku wada giigsan, caraftoodana ay gacdii horaba na soo dhawaysay. 

Durba heesihii iyo shaxshaxdii goobta ka socotay baan dhankeenna ka raacnay innaga oo fadhi iyo joog kujaasba israacinnay. Buraanburkii, shaash saarkii iyo dhammaan alaabihii hooyooyinka markii la guda galay ee la soo gabagabeeyay, ayuu si rasmi ah u bilowday wakhtigeennii, haddaan dhallinyarada nahay. Wiilal aad u tiro badan oo aan qaarkood aqaanno, qaarna aynaan weligeen iska soo horbixin oo aan is iriba malaha magaalooyin kale ayay arooska uga yimideen ayaa goobtii soo buux dhaafiyay, bilicdii arooskana dhammaystiray. Jaas aan jiibtiisii iyo jaantiisii loo kala harin ayaana meeshii ka bilowday. 

Koox koox ayaa loo ciyaarayay, oo qofna malaha uma baahnayn qofka uu yaqaanno keliya in uu la ciyaaro e, qofba qofka uu ishaarto ayuu gacanta soo qabsanayay. Heesaha midba midda calanka u dhiibaysay waxaa ka mid ahayd heesta “Cawayskiyo shiribka ii tuma” taa oo aad looga helay dhowr marna lagu celceliyay oo dalabkeedu badnaa. Arooska oo ahaa aroos Abgaal iyo Isaaq, balse waxaan isleeyahay waxaa u badnaa Isaaq, taa oo meesha keentay baahi ah in kooxdii ay markaa jiibta iskugu keen dabadhacday in aan ka saxayay ciyaarta shiribka iyo sida ay tahay in heestan loogu ciyaaro. Fowdo iyo xiiso u yeelidda masraxa ayay iga ahayd, balse inbadan oo kamid ah kooxdii aad bay uga helsanaayeen isxilqaankaygaasi.  

Mar aan isleeyahay saarkii ciyaarta si rasmi ah buu u soo degay oo kaa ma qasna, ayaan meel koone ah ka arkay wiil keligii taagan, welibana indhahayga iyo kuwiisu isku jalleeco dheceen. Si hoose ayaan isu iri “maxaa hirkan iyo mawjadahan israacay ka reebay ee keligii taagay tolow”, jawaab se maan heline, ciyaartaydii ayaan sii watay. Ma aqaan sababta e, dhowr daqiiqo oo aan dhowrkaa daqiiqana kelitaagnidiisa ka fekerayay baan mar kale dhankiisi fiiriyay, se waaba halkii iyo indho aad mooddo in ay ilaalo iga hayaan. 

Naftayda oo malaha indhahaa ku soo wajahan ka xishootay ayaa booskii aan ku ciyaarayayba beddeshay oo dhan kale u wareegay. Muddo markii aan isboojaynayay ayaan is iri bal si uusan ku fahmayn u hubi in uu halkii taagan yahay iyo inkale ayaan si hoose u fiiriyay, balse meeshiiba ma joogo. Sida in aan ahay qof halkaa ku ilaashanayay baan hall-kii oo dhan indhaha la raacay, se waaba kan meel kale oo wejigayga ku beegan u soo wareegay! Markii ay markale indhahay oo isagii raadinayay iyo kuwiisa oo malaha dareemay in aan raadinayay isku dheceen buu qosol dhoollacaddayn ah oo aad mooddo in uu i leeyahay waykan afka la kala qaaday. Intaan xishood yaxyaxay baan ciyaartiiba gees uga baxay, isagiina dhabarka xejiyay. 

Maskaxdayda oo aad mooddo in ay garaaca wadnahayga la falgalaysa ayaa mar keli ah ii iftiimisay dhoollacaddayntiisii ashqaraarka ahayd, iyo weliba indhihiisii aad moodday in ay fallaaro toos ah u soo dirsanayaan qalbigayga. Jewigii ciyaareed iyo weliba maddadaalaysigii waxaa iga dhexsaaray eegmadiisii iyo dhoollacaddayntii eebada xanbaarsanayd. Naftaydii ayaa bilowday in ay wax badan iska weyddiiso sababta uu ilaa heerkaa iigu fiirinayay, weliba keligay diiradda iiga saartay waxaan oo dad ah ee buux dhaafiyay goobta! Sidoo kale waxaa weyddiiyo aan warcelin u waayay igu noqday sababta ay aniguba ii saamysay daymadiisa ee aan ilaa heerka uga fekerayo, ciyaartiina iiga soo dhexsaartay! 

Dib baan u fiiriyaa aniga oo isleh hubi, se waaba halkiisii iyo indhihiisii oo aniga igu soo maqan. Markaanna waxaaba ii dheer mar walba oo wejigiisa iyo kayga isku beegmaan waa la ii dhoollacaddaynayaa! Eegmo iyo dhoollacaddaynba wax sidaa macne u buuran ii sameeya may ahaan jirin, oo xitaa qofkii iga badiya fiirinta intaan si caro leh u fiiriyo baan u fahmi jiray jaahil ay ilbaxnimada ku yartahay e, balse waan garan waayay macnahaan ay tiisa ii samaynayso! 

In uu ahaa nin joogdheer oo soo jiidasho leh, indho, sunniyo iyo af iyo ilko qurxoonna ku yaallaan, waxaa u dheerayd in uu ahaa nin si wacan u labbisan, timuhuna ugu jaran yihiin si akhyaarnimo turjumaysa! Aniga oo aniga iyo maskaxdaydiiba ka faalloonshihiisa hoosta ka wadnaa, jewigii ciyaarta iyo lajaanqaadkii dhallinyarada gees uga soo baxay, illeen ma ciyaari karo oo ciyaartaba way iga lumaysaa indhihii aan ogaa oo ilaalo iga haayo e. Mar keli ah baan ka war helay “ciyaartaada way qurux badnayd, aadna waan uga helay sidii aad ula faraxsanayd uga na farxinaysay kooxdii aad la ciyaaraysay”. Se waaba isagii! Hadde isagii! 

Dhulka oo dhan in uu ila ruxmay baan moodayay! Intaan filan waa naxay, ayaa dhoollacaddayn uu qosolgariir dhalay intaan ku jalleecay iri “waad mahadsan tahay”. Isaga oo dhoollacaddaynayo ayuu ii raaciyay “sidaan filayo UmeÃ¥ ayaad degaan ku tahay, aniga se koonfurta ayaan arooska uga imi arooska. oo safarkii maanta dartii daal badan ayaan dareemayaa, haddana hotel-kaygii ayaan aadayaa oo waa xilli danbe, ee lambarka halkan ku qoran ama iga soo wac ama farriin ii soo dir, in aan isbaranno ayaan xiisaynayaaye”. Wuu na dhaqaaqay intuu waraaq yar gacanta ii geliyay. Maskaxdayda oo tacajabsan hadalna ka soo bixi waayay ayaa hoos u leh “wuxu qurux badanaa, oo codkiisana cajiibsanaa”!. 

Waakan aan jawaabna iga sugin, ee tolow ma in aan qalqalay oo aan filan waa ku dareemay soo agjoogsigiisa anoo markii horaba ka sharkaleelay eegmadiisii, ayuu iigu cudurdaaray isna yiri hadal ha ku sii culaysin. Ma garan! Waxa keliya ee aan garanayo ayaa se ah daqiiqado kaddib in aan xitaa magaciisii uu ii sheegay illaaway! Aniga oo sinna isu leh “naa aaway geesinnimadaadii iyo indho adaygii” geesna isku la showrayo oo aan dib ugu noqonnin masrixii jaaska, ayuu arooskii soo dhammaaday. Luuqaddaydii maskaxeed haddii la suugaameeyana waxa ugu horreeyaa ee ka turjumayay ayaa ahaa qayb ka mid ahayd maansadaydii mar la’arag, taa oo qayb ka mid ah lahayd: 

Mar la’arag la sheegiyo
Ma Malaa’ig baa tolow! 

Arooskii waan ka soo hoyaadnay aniga oo isweyddiin iyo xusuuso isrogrogayo la soo hoyday. Iyo Farax iyo Cayni oo igu bilaabay waraysi ay iga waraysanayaan ninkii gaarka ii la baxay, waa isaga e. Anna waxaan ugu soo koobay “wiil siduu ii fiirinayay, ugu danbayn lambarkiisa oo waraaq ku qoran ii keenay”. 

Lambarkiisii waxaan garan waayay magac aan ku qoro, maaddaama aan illaaway magaciisi, waxaan se ku qortay “Xiddiggii arooska”. Balse midda cajiibka ah ayaa ah in uu ku dhawaad saddex bil ku jiro telefoonkayga, maalinna aanan wicin, farriinna u dirin! Ma baqanayaa, mise aniga ayaanan rabin in aan albaabkiisa isku furo. Waan garan waayay