Inbadan oo innaga mid ah kalasaaridda farqiga u dhexeeya kibirka iyo qabku way ku ilduufaan, ama fasir ahaan ayay isu soo dhaweeyaan, balse xaqiiqdii waa labo aan sinna isu lahayn, kaladuwanaansho badanina ay u dhaxayso.
Kibirku waa caam, ma na u baahna in si gaar ah loo qeexo oo waan ka wada dharagsannahay. Badankeen waan fahansannahay kibirku in uu dego laab maran, sidoo kalana uu dugsi u noqdo shaqsi shaqiyaddiisii baadigoobayo, oo gudaha ka dareensan in uu ambad yahay. Kibirka oo ah aaminaadda qofka ay laabtiisa gasho si walba oo ay u bulaaliso bilowga, una dareensiiso sarreyn iyo miisaan macne leh, balse ugu danbayn uu ku kufo, ku qiimo beelo, kuna dad waayo oo uu qofkaasi soo istaago meel cidlo ciirsla ah. Kibirku in uusan Ilaahay raalli ka ahayn ka soke, dadka oo dhami kama raalli noqon karaan. Qofka kibirka isla qaadana dad kuwa ugu dhow ayaa xitaa ugu danbayn naca, la na jaanqaadi waayo. Kibirku waa kufiyaha iyo karaamo seejiyaha qofka bini’aadanka ah. Se qabku kibir maaha!
Qabka fasirka ugu kooban ugu na habboon ee aan saari karaa waa karaamada nafta. Bini’aadamka sidoodaba Eebbaa karaameeyay, annaguna innoo sheegay. In uu qofka karaamadiisa-nafeed noolaha kale dhexdooda ku xoojiyo, aqoonsado, xushmeeyo, welibana ay qiimo gaar ah la yeelato karaamada naftiisuna waa wax waajib la ma dhaafaan uga dhigan qof walba. Qabku wuxuu ka turjumayaa shaqsiyan in aad maamuuskaaga tagaanno, naftaada jacayl dhab ah u heyso, wixii kuu qalma iyo waxaan kuu qalminna kuu kala saaran yihiin. In ay kuu kala saaran yihiinna ay kuu sii dheer tahay in aanad marna u qaadayn naftaada wax aan u qalmin.
Qabku ama aan u iraahdo sida aan aniga u aqaanno karaamo-nafeedku, waa in aanad ku hadlin hadal aanan u qalmin heerka aad joogto, sida: da’daada, aqoontaada, shaqadaada ama heer kale oo nololeed oo aad joogto. Sidoo kalana waa in aad xudduud ka lahaataa in aanan laguu gu la hadal wax aanan kuu qalmin. Carrabkaaga iyo cagtaada oo ka dhowrsada meelaha qaar iyo waxyaabaha qaar, kibir maaha, waa qab.
Sidoo kale qabku (karaamo-nafeedku) waa in uu kafiirsigaaga iyo ufiirsigaaguba badan yihiin, adiga oo ujeedkaagaasina yahay in aanad ku dhicin ama u dhaqaaqin wax lid ku ah karaamada naftaada! Iyo in aad si gaar ah u xulato cid walba oo noloshaada albaabbadeeda si dhow u soo galaysa, adiga oo muhiimad siinayo heerka caqligaaga, damiirka shaqsiyaddaada, higsiga mustaqbalkaaga iyo waayo’aragnimada noloshaadaba. Taa oo ka dhigan qunyarsocod iyo qab ama karaamo-nafeed, ka na turjumaysa, shimbirba shimbirkiisa ha la duulo. Heerkaasna waa qab (karaamo-nafeed) ee kibir maaha!
Social Plugin