Waayaha gelinba nooca ah iyo gedgeddoonka nolosha ee halganka iyo hawsha adag xanbaarsan, marna ka ma maarmaan heysashada wehel iyo garab aad ka dugsato dabaylaha kala duwan ee ku soo wajahayo ama aad wajahayso inta aad ku guda jirto harjadka dunida. Wehelkaasi wuxuu noqon karaa mid ka yimaada dad kala duwan kuna yimaada xiriirro kala geddisan. Hase ahaatee, xiriir ka mid ah xiriirradaa, ahna xiriir jirid weyn dhadhan iyo macne aan la soo koobi karinna nolosha u sameeya haddii suubbanaantiisa la wajaho, waa midka saaxiibtinnimo.
Saaxiibtinnimada saafiga ah waa mid ka mid ah xiriirrada noloshada la sameeyo, kaa oo ku dhisan kuna tarma isfahan, wanaag, waxwadaqabsi, isgarab istaag, isladuruufnoqosho, isjacayl, naxariis, isdhagaysi, talowadaag iyo weliba isdhiirrigelin joogto ah.
Saaxiibka wanaagsan ee dhabta ah waa hanti ka mid ah kuwa ugu qaalisan ee uu qof heli karo, doorka uu nolosha bini’daanka ku leeyahayna waa mid weyn oo wuxuu huwan yahay dareen iyo insaaniyad dhadhankeeda aan sinna loo ga xiiso goynayn. Xiriirka saaxiibtinnimaduna waa mid derajo walba oo wanaagsan u dallaca, ilaa aad isku dareentaan in aad tihiin qoys aan weligood kala go’i doonin, dhiig iyo dhalasho aan salguuraynna wadaaga!
Saaxiibka dhabta ahi waa wehel si aan tirin iyo turxaan toona lahayn kuu garab istaaga wakhti walba oo aad u baahan tahay. Baahidaadu maaha mid u baahan in aad u sheegto e, inta badan dareenka saaxiibtinnimada wanaagsan wuxuu dhaliyaa in si qotodheer la isu dareen barto oo qofba qofka kale isaga oo aan afka furin dareemihiisa oogada sare ka akhrisan kara waxa laabtiisa dhexyaalla.
Heysashada saaxiib dhab ah waxay ka dhigan tahay heysashada hanti ma guurto ah oo qiimo badan. Sidoo kalana waa wehel aad u ciirsato kolku waayuhu kugu adkaado. Heysashada saaxiibka wanaagsan sidoo kale waxay la mid tahay in aad midigtaada ku heysato sababtii ku dhiirrigelin lahayd kolka aad yar gaabiso ee ay duruufuhu ku gonda xiraan.
Saaxiibka dhabta ah waa wehelka sida huban uga fekera noloshaada si la mid ah sida aad adiga uga fekerto, ama mararka qaar kaaga badiyaba. Qalbiga saaxiibkiibku waa qalbi ka mid ah qalbiyada aad sida dhabta ah ugu ag dareemayso ahaansho iyo nefisaad aan xad lahayn, kaa oo si buuxda u aqbalsan shaqsiyaddaada.
Sifaha saaxiibka dhabta ah ayay ka mid tahay markasta iyo madal kastaaba in uu wanaaggaaga uun ka qiro, awoodahaaga u muuqdaan kuna dareensiiyo. Sidoo kalana ay si gaar ah u dhibto una gubto dhaliilahaaga, ka na dhiidhiya wax walba oo dhaawac kugu ah.
Mararka qaar dadka uu ka xumaaday nasiibka helista saaxiibbada wanaagsan waxay sheegaan in ay saaxiibtinnimadu tahay xiriir aan sal lahayn isla markaana lagu tashan karin, ahaynna muhiim. Hase ahaatee waa eedayn aan ka warramayn xaqiiqada dhabta ah ee saaxiibka saafiga ah, dadkaasina waa kuwa aan ka la kulmin saaxiibtinnimada wixii ay ka filayeen, kuna beegmay qolooyin aan insaaniyad lahayn, noloshana wax badan ka fahansanayn.
Qof kasta oo heysta saaxiib wanaagsan wuxuu si buuxda u qiri karayaa muhiimadda iyo dhadhanka saaxiibtinnimada rasmiga ah. Sidoo kalana wuxuu ogyahay in saaxiibka wanaagsani yahay xalka nolosha iyo wehelka duruufaha. Wuxuu na kale ee uu garanayaa in heysashada saaxiibka wanaagsani mudan tahay xamdi iyo u muujin jacayl joogta ah oo bilaa saxar ah, booska uu noloshaada u galay saaxiibkaana aad u gasho oo aad nolosha la daaddahayso.
Haddaba akhriste, haddii aad heysato saaxiib wanaagsan waan kuugu hanbalyaynayaa, idinkuna ducaynayaa in uu Alle isku kiin waariyo, waxaanan ku farayaa in aad qoraalkan la wadaagto uga na mahadceliso in uu booskaa kuugu jiro. Mahadsanid!
Social Plugin