Suugaan sideeduba
Sahal lagu ma curiyee
Sabab bay ku dhalataa
Sahankiyo hayaankuna
Sibiq reerka kuma galo
Qorshe seeto dheeroo
Caqli lagu sirkaxayoo
La sugaayay weeyaan
Ruuxii wax saadshaa
Si walbuu ku doonana
Calaf saacidaayiyo
Qaddar sii dhignaydiba
Haddii ay u sacab furin
Sina ku ma haleeloo
Isha saari kari waa
Anigoon sinbiririxan
Tiraabtuna dul saarnaan
Tixna aan ku sibibixan
Waxaan uga socdaa iyo
Siinleyda maansada
Saldhiggeeda aan furo
Oon solo ujeeddada
Dunidani sagaalkee
Noqonaynba tiro sugan
Sammadiyo cirkeediyo
Aadmiga dul saarani
Hanku waa u seetoo
Doonistaaba lagu saday
Aniguna su'aalaha
Ka ma seexdo ruuxdoo
Wax uun baan siraadshaa!
"Himilada la sara joog.
Ii sawir bal waayahay.
Calafkayga solan iyo
Ruuxaan sugaayaa
Siduu noqoni doonaa?
Ma sidaan la doonay
Ku socdaan amuuraha?
Ma sadkaygi baan heli?
Mise soomanaha guud
Ayunbuu socdaalkiyo
Ku sal go'i adduunyada?
Suuree maxaa xigi
Xaalkaan ku suganahay?
Sidaa iyo sidaa iyo
Ma sidaan jeclaabaa?"
Weydiimahaa saxan
Iyo qaar saluugani
Waa kuwa saqdii dhexe
Kolka uunku seexdaa
Nafta soo direysee
Sarajooga igu hela!
Anna maba saluugee
Sumad iyo jawaabiyo
Sabaalaha danbeetiyo
Rejo aan sugnayn iyo
Talo saaro Rabbigaa
Ku seexshaa qalbiga oo
Sareediyo wanaagiyo
Khayrka soo socdaa baan
Ku sabaa halbowlaha!
Social Plugin