Jacaylka naftu waa badweyn aan sinna loo ga xiiso goynayn dhadhanka gunta u yaalla ee xanbaarsan macaanka iyo nashaadka nafsiyadeed. Waa dareenka ay ka tarmaan dareemo badan oo nolosha saldhig u ah, korna u qaada ee bila shaqsiyadda qofka, doonista ku lammaan, hanka ruuxiga ah iyo weliba hoggaaminta nolosha gaarka ah.
Isjeclaansha oo ah in aad naftaada jeclaato waxaa aasaas u ah in aad aqoon buuxda u lahaato naftaada. Kalsooni dhab ah u heyso qofka aad tahay. Iyo in aad qaddariso ruuxdaada oo aad naftaada iyo dareemahaaguba xushmad sare u hibayso. Sidoo kalana waxaa laga ma maarmaan u aha jacaylka nafta ku qanacsanaanta awoodahaaga iyo aaminsanaanta kartida iyo kaalin mudnaanta ruuxda yar ee kugu dhex nool.
Jacaylka nafta wuxuu hoggaamin doonaa in aad si qotodheer u barato dareemahaaga kala duwan, qaabaysana doonistaada adiga oo aan marna ka tallaabaynin mudnaanta naftaada. Dareenkaasi wuxuu kugu abuurayaa sarraysiinta wax walba oo sare u sii qaadaya xiriirka idiin dhexeeya adiga iyo naftaada, waxaadna mar walba si gaar ah u milicsanaysaa xushmadda aad u heyso naftaada.
Jacaylka naftu wuxuu deyr adag kaaga noqon doonaa waxyaabo badan oo aan kuu qalmayn in uu wakhtiga kuu qaado dadkuna kuu qoondeeyaan. Isjeclaanshuhu waa darbi adag oo aysan ka soo tallaabi karayn xadgudubyada nafaha la la soo doonto. Haddii dareenkan laabtaadu dego, kuma hafan doontid dhacdooyin badan oo jallaafeeya kuwa aan nafahooda jeclayn. Waa dareen ku barayo in aad jeclaato wax walba oo kordhinayo jacaylka laabtaada yaal, kaa na fogaynayo cid walba iyo wax kasta oo carqalad ku ah.
Jacaylka naftu xasilloonta iyo dhadhanka nolosha ee macaan ayaa lagu bartaa. Waxaa lagu hantaa awoodda aad keligaa ku abuuran karto jewi farxadeed oo jacayl iyo dagganaan leh. Qalbiga uu ku dhex hoydo jacaylka naftu wuxuu noqdaa mid baaxad weyn oo dadka ku hareeraysan oo dhani harsadaan, jacaylka iyo farxaddana loo soo doonto. Nafta is jeceli waxay noqotaa mid si suubban wax u jeclaato, quwad weyni iyo qaddarin bini’aadanna ku xarragoota.
marxaladaha adag ee nolosha oo dhani awoodaha loo ga gudbo kuwooda ugu gacan sarreeya waxaa ka mid ah jacaylka nafta. Waad ku badbaadaysaa oo wuxuu kuu noqon doonaa la ma dhaafaan iyo saldhig aad ku laabato goor walba iyo difaac aad kaga gabbato duruufaha adag. Ma doorsoomo waayuhuna ma dooriyo qofka naftiisa sida dhabta ah u jecel. Xaalad walba oo adagi qofka naftiisa jecel wuxuu kaga gudbaa oo naftiisa ku baxnaaniyaa jacaylka uu naftiisa u qabo. Haddii jacayl walbaa dunida laga waayo, qofka naftiisa jeceli wuxuu ku badbaadaa jacaylka kaydka ugu jira ee ah jacaylka nafta.
Jeclaw naftaada oo jacayl walba ka hormari jacaylka naftaada. Jacayl oo dhanna ka dhex arag jacaylka naftaada.
Social Plugin