Ticker

6/recent/ticker-posts

Maalmihii jacaylka!


Wakhti waa ma guuraan

Qaddar waa ma dhaafaan

Waa muraayad dooquye

Ma xusuusataa weli

Maalmihii jacaylkee

Nolosheenna soo maray? 


Waayihii macaanaa

Madasheenni hadalkiyo

Maaweelaheenniyo

Mirihii kalgacalkee

Maansheeyay caashaqa

Ma xusuusataa weli?


Muxibadi la yaabkiyo

Nagu ridday muraaqada

Kolna aan mabsuudkiyo

Ku ahayn murtaaxee

Qalbigeenna maamushay

Ma xusuusataa weli?


Musbaaxdii dhexdeenniyo

Mugdigii iftiimisay

Maan illaawin aniguye

Ma xusuusataa weli?