Feminism-ku waa aragti inbadan la jaanrogay marka soomaalida dhexdeeda la joogo, se midda ay tahay in aan isla fahanno ayaa ah in aragtidani aysan ahayn mid ku dhisan dagaal, nacayb, sadbursi iyo ahaansho-ka-tegis toona. Balse ay tahay aragti saldhiggeedu yahay xaq u dirir iyo sinnaan nololeed oo jaan go’an. Hase ahaatee, qolo aan sidaa u fahansanayn ama ay sinnaantaasi dhibayso ayaa weeciya ujeeddada ka na dhiga weerar iyo weerarcelis.
Sidoo kale waxaa jira koox kale oo aragtidan ay si uun u gaartay, laakiin ay ku adkaato iswaafajinta aragtida, caqliga iyo xaqiiqooyinka nolosha, kuwaas oo yoolkii feminism-ka ka bixiya sawir aan u jeedkii ka turjumayn ama ka dhigayo waxyar oo aan macne buuran lahayn, ku na dhisan cunfi.
Balse dadka ugu badan ee aragtidani duqeeya ama ka bixiya sawir ka duwan midkeeda rasmiga ah, waa laba qolo: kuwa aan wax ay ka fahansan yihiin habayaraatee jirin, oo male qaldan ka heysta. Iyo bah kale oo fahansan ujeedka iyo sinnaanta ku duugan, balse ay sinnaantaasi nabar ku tahay oo aan is iri iyagaa hoosayn dareemaya oo waxay rabaan in ay si isku soo haad ah u samaystaan koox ama qof ka hooseeya oo ay nolosha oo dhan u hagaan, wax walba iyaga loo dabafadhiisto, mudnaan oo dhan iyagu qaataan… oo awood raadis uun ah. Qoladan danbe ee gacansarraynta uun mar walba raba ayaana ugu yuus,dagaal iyo qardadaf badan oo weerarka ugu badan ku qaada aragtida feminism-ka iyo qofkii heystaba.
Haddaba, waxa keliya ee aan u baahannahay waa in aan isla fahanno ujeedkeedka aragtidan, sidoo kalana ogaanno in aysan ahayn aragti dumarka uun u gaar ah ama ay la gole iman karaane, balse ay tahay mid ay u simman yihiin dhammaan xaq u dirirka, nin iyo naagba.
Social Plugin